Xasan Sheekh oo ka Degay Dhuusomareeb.

19 August, 2025

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay mid muhiimad gaar ah u leh maamulka Galmudug, inkastoo aan si faahfaahsan loo shaacin ajandaha rasmiga ah, Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dardargelinta doorashada qof iyo cod maadaama Galmudug ay horey u bilowday diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho madaxda maamulka iyo qaybaha bulshada si uu uga dhageysto aragtidooda doorasho iyo amni.

Inta uu joogo Dhuusamareeb, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kormeero mashaariic horumarineed oo uu horay u dhagax dhigay iyo kuwo cusub oo uu dhagax dhigi doono. Maamulka Galmudug ayaa sanadihii u dambeeyay ka faa’iideystay taageerada dowladda federaalka oo taageero ka helaysa Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika.