Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inuu tanaasul diyaar u yahay.

21 June, 2026

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sheegay in dalka uu u jihaystay hirgelinta doorasho…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sheegay in dalka uu u jihaystay hirgelinta doorasho toos ah oo ku saleysan nidaamka axsaabta siyaasadeed, isagoo xusay inuu diyaar u yahay tanaasul kasta oo lagama maarmaan u ah in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey kulan casho ah oo uu la qaatay xubno ka tirsan xisbigiisa, xilli ay weli socdaan doodaha ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadan doonto, xilli DFS horay u muujisay taageerada nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, kaas oo ku dhisan tartanka axsaabta siyaasadeed.

Dhanka kale, mucaaridka ayaa soo jeediyey in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah, balse lagu saleeyo habraac ka tarjumaya nidaamka awood-qaybsiga qabiilka ee loo yaqaan 4.5, si loo ilaaliyo dheellitirka siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed.

Sida ay sheegayeen ilo xiriir la leh beesha caalamka, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in Dowladda Federaalka iyo mucaaridka ay ku heshiiyaan hannaan doorasho oo toos ah, iyadoo la raadinayo meel dhexe oo isu dhoweyn karta aragtida labada dhinac, iyadoo wada-hadallada socda ay diiradda saarayaan sidii loo mideyn lahaa mabda’a doorashada tooska ah iyo dammaanad-qaadyada siyaasadeed ee ay dalbanayaan dhinacyada kala duwan.