Xasan Sheekh oo la hadlay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

21 May, 2026

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan khadka telefanka ah la qaatay…

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan khadka telefanka ah la qaatay xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit.

Dhinacyada ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan khataraha ka imaan kara faragelinta Israa’iil, iyagoo cambaareeyey tallaabada uu maamulka Somaliland qorsheynayo inuu furto safaarad uu ku leeyahay magaalada Quddus ee la haysto.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Gamal Roshdy, ayaa sheegay in labada dhinac ay adkeeyeen taageerada xasilloonida iyo nabadda gobolka, ilaalinta madax-bannaanida, xasiloonida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo diidmada isku day kasta oo lagu wiiqi karo madax-bannaanida Somalia.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inuu taageerayo tallaabo kasta oo Somalia kula tacaalayso cadaadis kasta ama isku day kasta oo khatar gelin kara midnimadeeda iyo madaxbannaanideeda, kadib aqoonsigii Yuhuudda ee maamulka Somaliland.