Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inay ka…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan caleemasaarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Cali Timacade.
Senator Timacade ayaa sheegay in wufuud kala duwan ay kusii qulqulayaan magaalada Laascaanood halkaas oo 30-kii bishii Agoosto lagu doortay madaxda maamulka cusub. Caleemasaarka ayaa noqon doona munaasabad ay ka soo qeybgalaan mas’uuliyiin heer federaal iyo marti sharaf kale, Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey uu maamulkan ku tago.
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa ku magacaaban gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle, Dhul ballaaran oo ku yaala maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa kka maqan gacantooda, iyadoo dadka ku sugan deegannadaas ay si cad uga horyimaadeen dhismaha maamulka cusub oo ay sheegeen inuusan metelin sidoo kalana aysan metelin siyaasiyiinta tagay Laascaanood.
Somaliland ayaa horey dowladda federaalka ugu eedeysay in ay faragelin ku hayso dhulkeeda islamarkaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hawlan yahay kicinta colaadda iyo iska hor keenidda bulshada deegaanka. Puntland ayaa dhankeeda ku eedeysay dowladda federaalka kala qaybinta dhulkeeda, taas oo sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee dhinacyada.
Bishii April Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqday magaalada Laascaanood, halkaas oo uu kula kulmay maamulkii hore ee SSC-Khaatumo. Intii uu joogay waxaa la sii daayay maxaabiis ka soo jeeday maamulka Somaliland oo la qabtay dagaalladii 2023, arrintaasna waxay markaas abuurtay xiisad siyaasadeed oo dhex martay Hargeysa iyo Muqdisho.



