Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis la gaaray xubno ka mid ah garabkii ka…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis la gaaray xubno ka mid ah garabkii ka baxay Madasha Samatabixinta waxaana ugu muhiimsanaa qodobo uu ka mid yahay in Madaxweynaha uu Baarlamaanka soo dooranayo halka Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabayo Madaxweynaha ka dibna uu Baarlamaanku ansixinayo, Tani waxay ka dhigan tahay in dib loo soo celiyay nidaamkii doorasho ee Golaha Shacabka ay kaalin weyn ku lahaayeen.
Xasan Sheekh ayaa muddo dheer ku adkaysanayay wax ka bedelka uu ku sameeyey Dastuurka KMG ah gaar ahaan qodobada la xiriira doorashooyinka oo dhiagayey in shacabka si toos ah u soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada hase yeeshee heshiiskan cusub ayaa muujinaya in Madaxweynaha dib uga noqday mowqifkiisii hore ee ahaa in shacabku doortaan Madaxweynaha.
Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa hore uga horyimid qorshihii wax ka bedelka dastuurka iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu doonayo muddo kororsi iyo hannaan u fududeyn kara inuu mar kale xilka kusoo noqdo. Heshiiskan cusub ayaa lagu tilmaamay in uu yahay isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah balse wali aan xal u noqon dhammaan khilaafaadka jira.
Inkasta oo dib uga noqoshada qodobada doorashada ay wax ka bedeli karto xiisadda siyaasadeed hadana ma dhameyn karto khilaafka dowladda iyo mucaaradka. Waxaa weli taagan arrimo kale oo lagu kala aragti duwan yahay gaar ahaan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada maadaama Xasan Sheekh uu ku adkaysanayo in shacabka soo doortaan xildhibaanada si hanaan xisbiyo ah.
Hadii ay soo dooranayaan Baarlamaanka Madaxweynaha waxay ka dhigan tahay in dib loogu laabanayo Teendhada Afisyooni oo saddexdii doorasho u dambeeyey lagu qabtay, Doorashada soo socota ee lagu wado in ay qabsoonto bisha May 2026 ayaa wali hubanti la’aan ku jirta waxaana jira cabsi ah in dib u dhac uu ku yimaado maadaama aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo dhammeystiran.



