Xasan Sheekh oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka.

10 December, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan. Tallaabadan ayaa noqoneysa mid muhiim u ah horumarinta ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha Guddigan uu caddeyn u yahay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo karaamadooda. Wuxuu ammaanay wada-shaqeynta wanaagsan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taas oo suurta gelisay in la helo xeer u dhisan sharciyad, waafaqsan dastuurka iyo qiyamka diinta Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka hoggaaminta habsami leh ee ay ku diyaarisay hannaanka sharci iyo farsamo ee keentay in si buuxda loo dhiso Guddigan cusub. Wuxuu Alle uga baryey xubnaha la soo magacaabay in uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee horyaalla.

Madaxweynuhu wuxuu xusuusiyey xubnaha Guddiga inay mas’uuliyad culus ka saaran tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda, isla xisaabtanka iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, kuwaas oo ah tiirarka dowladnimada casriga ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahad celisay Madaxweynaha saxiixa uu ku dhameystiray dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Waxay sheegtay in saxiixani uu xoojinayo dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.