Xasan Sheekh oo Sheegay in Ciidamo ka amar qaata DFS ay joogaan Puntland.

24 September, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gudaha Puntland ay ku sugan yihiin ciidamo ka…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gudaha Puntland ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka kuwaas oo haddii loo baahdo si degdeg ah uga qeyb gali kara dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Xasan Sheekh ku xusay in Puntland aysan illaa iyo hadda codsi toos ah ka soo gudbin balse dowladda federaalka diyaar u tahay inay ciidamadeeda ku taageerto dagaalka socda, Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu yahay mid ballaaran oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin saaxiibada caalamiga ah.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacishna caalama waa nagu kaalmeynayaa” ayuu yiri.

Si kastaba weli si rasmi ah looma caddeyn meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada uu madaxweynuhu sheegay iyadoo ciidamada ku sugan gudaha Puntland badankoodu hoostagaan maamulka Puntland.

Ciidamada PSF oo uu hoggaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaana ayaa ah kuwa keliya ee hoostagin awaamiirta madaxweyne Deni, intii uu socda dagaalka Daacish ciidamadan kama qaysan qayb galin.

PSF ayaa sanadihii dambe lagu xaglinayey inay xiriir dhow la leeyihiin dowladda federaalka maadaama uu taliyahii hore ee ciidanka PSF Gen. Asad Cismaan Diyaana uu hada yahay Taliyaha ciidamada Booliska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.