Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay kala aragti…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay kala aragti duwanaanta siyaasiyiinta Soomaalida iyo doorka odayaasha dhaqanku ka qaadan karaan midnimada iyo raadinta xalka siyaasiga ah ee dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalidu kaliya mararka qaar siyaasadda isku khilaafto haseeyeshee uusan jirin kala duwanaansho kale, wuxuuna ammaanay doorkii dhaqanka ee khilaafyadii hore.
Dadka Soomaaliyeed dhaqan, caqiiqdo, diin iyo dhalasho midna kuma kala qaybsana bahashaan siyaasadda ah ee meelaha soo gashana waa hagaagaysaa haddii Alle yiraahdo”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Somalia ayaa intaasi ku daray,”Markii la wareeray meeshii la yiri halaga soo saxo Soomaaliya waxay ahayd odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, maantana taladu waa u furan tahay isimmada, isjiidjiidka haka taliyaan.”



