Xasan Sheekh oo qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka EAC

16 October, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay sagaalka xildhibaan ee…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay sagaalka xildhibaan ee dhawaan loo doortay inay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee ururrada gobolka, iyadoo xubnahan cusub ay matalayaaan dalka markii ugu horreysay tan iyo markii Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay EAC bishii November ee sanadkii hore 2024.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada ku bogaadiyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo ku adkeeyay inay difaacaan danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee Bariga Afrika. Wuxuu ku tilmaamay guushan mid taariikhi ah oo muujineysa in Soomaaliya ay si buuxda uga qaybqaadanayso go’aannada muhiimka ah ee gobolka.

Xubnahan ayaa loo doortay kaddib doorasho ay si wadajir ah u qabteen labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la doortay sagaal xubnood oo afartood dumar yihiin, taas oo sare u qaaday metelaadda haweenka Soomaaliyeed ee heer goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha cusub in ay muujiyaan wadaniyad, xirfad iyo hoggaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bariga Afrika, taas oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo midka diblomaasiyadeed ee dalalka EAC.