Xasan Sheekh: Soomaaliya iyo Imaaraadka xiriirkooda lama jarin, waa dal muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uusan…

5 October, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uusan gebi ahaanba go’in, isagoo xusay in labada dal ay weli leeyihiin safaarado furan, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dhinac.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in dadaallo socda lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi, wuxuuna carrabaabay inuusan jirin xiriir labada dal ka dhexeeya oo la jaray.

“Imaaraadka Carabta waa dal muhiim ah, xiriir baa naga dhexeeya, safaarad baan ku leenahay, iyana safaaraddoodii way furan tahay, xiriirka lama jarin”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bishii Janaayo 2026, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la buriyey heshiisyadii dowladda Federaalka iyo Imaaraadka, iyagoo tallaabadaas ku sababeeyay waxa ay ku tilmaameen arrimo la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada Soomaaliya, wuxuuna go’aankaasi saamayn ku yeeshay heshiisyo iyo iskaashi ay Imaaraadku ku lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, amniga iyo mashaariicda ka socday magaalooyinka Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.