Xasan Shire oo Garoowe kaga dhawaaqay qorshaha dhismaha Puntland cusub.

19 September, 2025

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maalinimadii shalay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe…

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maalinimadii shalay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay inay qorshaynayaan dhismaha Puntland cusub, iyadoo laga duulayo qorshihii dowladda federalka ah ku jartay gobolada Sanaag iyo Sool.

Waxa uu sheegay in Puntland qayb kamid ah ay baxday loona baahan yahay Puntland cusub iyo awood qaybsi horleh, isagoo shir deg deg ah ugu baaqay dhammaan isimadii dhaqanka ee gobolada Puntland marka laga reebo Sanaag iyo Haylaan.

Dhanka kalena, Wasiirka Caddaaladda xukuumadda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa Facebook ugu jawaabay Siyaasi Xasan Shire Cabdi oo ku baaqay dhismaha Puntland cusub.

Puntland cusub ma jirto ee waxaa jirta Puntlandtii 20ka sano aad dhiiga iyo dhacaanka ka nuugayseen, markii sida Gafanaha oo kale la idinka fujiyeyna aad dhahdeen hala gowraco oo harageeda Xassan Shiikh ha laga gado, balse Alle bad-baadiyey iyo dadka Puntland lexe-jeclada ka leh.

Siyaasiyiinta dammaadey ee hadda waagu u baryey, waxaan leeyahey dowladdaan wali waqtigeedii ma dhammaan oo waxaa u harey in ka badan 3 sano, haddii aad leedihiin hammi siyaasadeed furta Ururo Siyaasadeed, ama ku biira Xisbiyada hadda jira oo aragtidiina & Ajandihiina siyaasadeed ka gada dadka iyo deegaanada kala duwan ee Puntland. Siyaasaddii ku dhisneed Faqqa, dhabar taabadka iyo dulaalnimada waqtigeedii waa dhammaadey.