Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo xilligaan katirsan mucaaradka xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa…

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo xilligaan katirsan mucaaradka xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyey inuu siyaasadaynayo dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad.
Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xasan Shire uu suurad-xumaynayo nafhurnimadii ay ciidanka Puntland kula dagaalameen cadawgii ku sugnaa Cal-miskaad.
“Aad ayaan uga xumahay in siyaasi Xasan Shire uu si fudud u suurad xumeeyo halgankii naf iyo maalba lagu bixiyay ee ay dowladda Puntland kaga sifaysay Daacish buuraha Calmiskaad”, Ayuu yiri Axmed Jaamac Jawle.
Agaasime Jawle ayaa intaasi ku daray in hadalada Abgaal ay yihiin kuwa xaqiiqda ka durugsan,“Hadalladaasi ma ahan oo keliya kuwo xaqiiqada ka fog, balse waa kuwo si ula kac ah u sumcad dilaya ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda.”



