12 December, 2024
Ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia ayaa xeebaha ka soo saaray meydadka 7 qof oo tahriibayaal ah, sida ay sheegeen ilaalada qaranka khamiistii, musiibadii ugu dambeysay ee tahriibayaasha oo ka dhacday badda Mediterranean-ka.
Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 27 kale oo la socday isla doonida ciladoobay.
Dhammaan dadka tahriibayaasha ah ee la socday doonta ayaa ka kala yimid dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.
Tunisia ayaa la daalaa dhacaysa dhibaato dhanka socdaalka ah oo aan hore loo arag, waxayna badashay Libya oo noqotay meesha ugu wayn ee ay ka dhoofaan dadka Tuniisiya iyo dadka ka imanaya Afrikada kale ee nolol dhaanta Yurub u doonta.
Horseed Media