XFS oo qaadacday qaadashada kaarka dhalashada Puntland.

21 April, 2025

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa qaadacday kaarka aqoonsiga ee ay samaynayso Puntland, kadib markii uu…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa qaadacday kaarka aqoonsiga ee ay samaynayso Puntland, kadib markii uu hay’ad arrimahaasi qaabilsan dhowaan dhisay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Calin Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa lagu sheegay in kaarkaasi uusan waafaqsanayn shuruucda dalka Soomaaliya.

“Mas’uuliyaddarro & khalad sharci oo xad-gudub ku ah dowladnimada dalka weeye Aqoonsiga ay samaysatay Puntland, dalku wuxuu leeyahay hal Aqoonsi Qaran laga-mana hor-iman karo.” – Wasaaradda Arrimaha-gudaha DFS.