Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping oo la dhacsan hogaamiyaha mucaaradka ee Taiwan ee Shiinaha la saaxiibka ah iyadoo Beijing ay raadineyso inay xal u hesho gooni u goosadka Taiwan.

Cheng Li-wun, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Taiwan ee xisbiga Kuomintang (KMT) ayaa Jimcihii la kulantay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping magaalada Beijing, iyadoo soo gabagabeysay safarkeedii Shiinaha toddobaadkan oo ay ku sheegtay inay ku baaqday dadaalo “nabad” ah si loo yareeyo xiisadaha.
Cheng oo loo arko inay tahay taageere xiriir dhow oo laleh Beijing, waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee KMT ee booqda Shiinaha muddo toban sano ah, iyadoo xiligan ay jirto xiisad kala dhaxeeya Xisbi xaakimka Dimuqraadiga Horumarka ee Taiwan (DPP), oo hoggaankiisa Beijing uusan aqoonsanayn.
Beijing waxay booqashadii Cheng u aragtay calaamad muujinaysa in Taiwan ay ka jirto fursad siyaasadeed oo loogu talagalay danaha Shiinaha. Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka go’ay Shiinaha oo ay tahay in “lala mideeyo” dhul-weynaha.
Xi wuxuu sheegay inuu doorbidayo in tan lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed, laakiin sidoo kale wuxuu si joogto ah u hanjabayaa isticmaalka awood militari.



