Xi oo booqasha ku jooga Malaysia iyo ololaha Shiinaha ee ka dhan ah Trump

1 day ago

Booqashada madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ee Malaysia waa booqashadii labaad ee Koonfur-bari Aasiya iyada uu Shiinuhu dagaal canshuuraha iyo ganacsiga kula jiro Mareykanka.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray dalka Malaysiya oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo Koonfur Bari Aasiya kaas oo loo arko in uu gudbinayo fariin shakhsi ah oo ku saabsan in Beijing ay tahay saaxiib ganacsi oo la isku halayn karo marka loo eego Maraykanka.

Xi ayaa fiidnimadii Talaadada soo gaaray caasimadda Kuala Lumpur, taasoo ah booqashadiisii ​​ugu horreysay ee Malaysia tan iyo 2013.

Wuxuu ka soo duulay Vietnam halkaas oo uu ku saxiixay daraasiin heshiisyo iskaashi ganacsi ah oo ku saabsan wax kasta oo laga soo bilaabo tiknaloojiyada ilaa horumarinta tareenada.

Xi waxa uu ku sugnaan doona Kuala Lumpur muddo saddex maalmood ah, isaga oo la kulmi doona Boqorka Malaysia Sultan Ibrahim ibni Iskandar iyo Raiisel wasaaraha Anwar Ibrahim oo uu ka qaybgeli doono xafladaha dawladda ka hor inta uusan u ambabixin Cambodia Khamiista.