Xiingalool: Beel qaadacday kamid ahaanshaha maamulka Waqooyi Bari Somalia.

13 August, 2025

Mid kamid ah beelaha deggan gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa qaadacday dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia…

Mid kamid ah beelaha deggan gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa qaadacday dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ee ay dhawaan Laascaanood kaga dhawaaqday dowladda federalka ah ee Somalia.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha oo shir ku qabtay degmada Xiingalool ayaa sheegay in dhammaan ergooyinkii ka socdey ee tegey Laascaanood aysan matalin isla markaana aysan jirin wax ay ku darsadeen maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen inay ayidsan yihiin baaqii ka soo baxay isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayna kamid yihiin maamulka Puntland, iyagoo ugu baaqay bulshada gobolka Sool inaan laga horkeenin walaalohooda deggan gobolada kale.