Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland & Somaliland oo ka taagan degaanno hoostaga degmada Buuhoodle

Published: December 5, 2022
Shares2

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo kala taabcsan Somaliland iyo Puntland ayaa ka taagan degaano hoostaga degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Xiisadda ayaa ka dambeeysay kadib markii Somaliland ay Ciidamo farabadan keentay degaano u dhow Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay gacanta kuhayaan Ciidamo katirsan Puntland.

Ciidamada labada dhinac ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan waxaana laga cabsi qabaa isku dhacyo hubaysan.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay xaaladda weli kacsan tahay isla markaanna ka cabsi qabaan inlabada dhinac halkaasi ku dagaalamaan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa waxaa ay horey ugu dagaalameen degaano ka kala tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Horseed Media