Xiisad ka dhalatay booqashadii Taliyaha ciidamada Koonfur Afrika ee dalka Iran

16 August, 2025

Taliyaha ciidamada Koonfur Afrika General Rudzani Maphwanya ayaa dalkiisa kala kulmaya jawaab celin kadib markii lasii daayay hadallo la sheegay in uu ka sheegay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Iran, taas oo khubarada wax falanqeeya ay sheegeen inay sii murjin karto xiriirka u dhexeeya Koonfur Afrika iyo Mareykanka.

Khudbadiisa, ayuu ku muujinaya in Iran iyo Koonfur Afrika ay leeyihiin yoolal milatari oo midaysan, taasoo kusoo beegmaysa xilli Koonfur Afrika ay isku dayayso inay hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si loo xasiliyo ganacsiga.

Toddobaadkii hore, boqolkiiba 30 canshuur ganacsi ah oo lagu soo rogay badeecadaha Koonfur Afrika ee soo galaya Mareykanka ayaa la bilaabay, taasoo argagax gelisay ganacsatada dalkaas. Inkasta oo madaxweyne Cyril Ramaphosa uu isku dayay inuu ku qanciyo Trump joojinta canshuuraha dheeraadka ah, isagoo booqday Aqalka Cad bishii May.

Taliyaha ciidamada KA, General Rudzani Maphwanya isagoo la kulmaya dhiggiisa Iran,Major-General Seyyed Abdolrahim Mousavi Talaadadii magaalada Tehran, Maphwanya ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in labada dal ay leeyihiin xiriir dhow, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Iran.

“Taliye Maphwanya, isagoo dib u xasuusanaya taageerada taariikhiga ah ee Iran ee halganka ka dhanka ah midab-takoorka Koonfur Afrika, wuxuu sheegay in xiriirkan uu abuuray xiriir waara oo u dhexeeya labada waddan,” ayaa lagu yiri maqaalka Press TV.

Sida laga soo xigtay Tehran Times, wuxuu sidoo kale yiri: “Jamhuuriyadda Koonfur Afrika iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay leeyihiin hadafyo isku mid ah, waxaan mar walba garab taagannahay dadka dulman iyo kuwa aan difaac lahayn ee adduunka.”

Maphwanya ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay cambaareysay Israa’iil “duqeymaha dadka rayidka ah ee safka ugu jira cuntada” iyo “gardarrada joogtada ah ee ay ku hayso Daanta Galbeed ee la haysto”, Tehran Times ayaa werisay.

Booqashadiisa, jariirada Iran ayaa kasoo xigtay Gen.Maphwanya isagoo leh, “waxay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed”, waxayna kusoo beegantay “waqtiga ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ee aan ku muujin karno shucuurteena qalbiyada leh ee dadka nabadda jecel ee Iran”.

Dhinaca kale, Taliyaha Iran Gen.Mousavi waxa uu ammaanay dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ee ka dhanka ah “Rajiimka Sahyuuniyadda ee Israel” oo ay horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, wuxuuna sheegay in dadaalkaasi uu la taageerayo siyaasadda Iran, sida uu sheegay Press TV.

Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay Mareykanka iyo Israa’iil ee ficillada dhaqaale iyo kuwa ka dhanka ah Iran oo uu ku tilmaamay “ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka”. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Iran ay diyaar u yihiin inay bixiyaan “jawaab aad u adag haddii ay dhacdo gardaro soo cusboonaata”.

Xafiiska Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa Khamiistii cadeeyay in madaxweynuhu aanu ka warqabin booqashada General Maphwanya ee Iran, inkasta oo safarkan oo kale uu sida caadiga ah ansixiso Wasaaradda Difaaca, ee aanu ahayn xafiiska madaxweynaha.

Ramaphosa waxa uu Maphwanya u magacaabay taliyaha ciidanka 2021. Jeneralka, xilligii midab-takoorka ee Koonfur Afrika, waxa uu ka soo shaqeeyay garabka ciidanka ee ururka xoriyad u dagaalanka ee African National Congress (ANC).

Wasaaradaha xiriirka caalamiga ah iyo wasaaradda gaashaandhigga ayaa iska fogeeyay hadalka taliyaha ciidamada xoogga dalka.

“Waa wax laga xumaado in hadallo siyaasadeed uu sheegay Wasiirka difaaca, waxaana lagala hadli doonaa Gen.Maphwanya marka uu soo laabto,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Arbacadii.

Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga Alliance (DA) oo u badan cadaanka dalkaasi oo kamid ah afarta xisbi ee soo dhisay xukuumadda isbahaysiga ee Koonfur Afrika, ayaa ku baaqaya in taliyaha ciidamada lagu maxkamadeeyo maxkamad milatari iyadoo loo aanaynayo “anshax-xumo aad u weyn iyo jebinta cad ee sharciga militaiga ee SANDF [South African Defense Force Force] Code of Conduct.”

Xidhiidhka Maraykanka iyo Koonfur Afrika ayaa marya heerkiisii ugu hooseeyay muddo tobanaan sano ah.