Xiisad ka dhalatay duqaymihii Suuriya oo ka dhex aloosan Turkiga & Israa’iil.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil, Suuriya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysaneysa, kadib weerar culus oo lagu qaaday…

20 August, 2026

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil, Suuriya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysaneysa, kadib weerar culus oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, kadib markii Israa’iil khatar amni u aragtay ciidamada Turkida ee laga dejiyey saldhigga Abu Duhur.

Telefishanka dowladda Suuriya ayaa sheegay in siddeed duqeyn oo cirka ah lagu qaaday dhabaha diyaaradaha ee garoonka Abu Duhur iyo xarumaha lagu kaydiyo rasaasta, inkastoo aan la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladda ammaan ee waqooyi-galbeed Suuriya ay faraha ka baxdo.

Israa’iil si toos ah uma aysan xaqiijin inay iyadu fulisay weerarka, balse xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa Suuriya ku eedeeyay inay jebisay heshiiska amniga ee kala dhexeeya Israa’iil, kadib markii ay oggolaatay in ciidamada Turkiga la geeyo saldhigga.

Mareykanka ayaa isna cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay tallaabada Israa’iil “kicin aan loo baahnayn” oo sii kordhin karta colaadda gobolka, halka Dowladda Suuriyana ku tilmaantay “fal gardarro ah oo aan wax cudurdaar ah lahayn”, waxayna ka digtay cawaaqibka ka dhalan karta inay saamayn ku yeelan doonto xiriirka labada dhinac.