Xiisad u dhexaysa ciidanka difaaca Puntland iyo kuwa ka amar qaata Dowladda Federalka ah ee Somalia…

Xiisad u dhexaysa ciidanka difaaca Puntland iyo kuwa ka amar qaata Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa saaka ka taagan deegaamo katirsan gobolka Karkaar, kadib markii ay maalin kahor gaareen colal ka soo dhaqaaqay degmada Carmo ee gobolka Bari.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Horseed Media u xaqiijiyey inay degmada Raka-raaxo ee gobolka Karkaar gaareen ku dhawaad 40 gaadiidka dagaalka ah oo ku raad jooga ciidamo ku biiray DFS oo ku sugan deegaan lagu magacaabo Kur-ilaalo oo hoostaga degmada Xumbays ee gobolka Karkaar.
Xiisadda ayaa timid kadib markii ciidamada ka amar qaata DFS ee horay ugu sugnaa degmada Carmo ay gaareen soona Xumbays iyagoo sheegay inaysan aqoonsanayn Puntland isla markaana ay si rasmi ah u hoostagaan dowladda federalka ah ee Somalia.




