Xiisad ka taagan Magaalada Galkacyo xilli uu booqanayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga dareemayaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka…

16 August, 2026

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga dareemayaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli uu booqasho rasmi ah ku tegayo Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka kala arrimiya Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa hareeraha iyo xaafado katirsan Magaalada geeyey cutubyo ciidan ah oo ka kooban boolis iyo Daraawiish, sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen goob joogayaal iyo qaar kamid ah waxgaradka Magaalada Galkacyo.

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu xiisad colaadeed ka hurinayo Magaalada Galkacyo, iyadoo socdaalkiisa ku tilmaantay mid lagu abaabulayo falal liddi ku ah ammaanka gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo guud ahaan Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dhankeeda Galmudug ayaa sheegtay inaysan waxba kajirin sheegashada Puntland uuna Madaxweyne Xasan Sheekh xaq u lee yahay booqashada Galkacyo, aysanna aqbali doonin in laga maleego qorshayaal waxyeelaynaya ammaanka Puntland muddada uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha xafiiska sii bannaynaya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa habeen kahor uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Puntland doorkii ay ka qaateen nabadda Gobolka Mudug, isagoo sheegay inaysan siyaasadaha isdiidan ee kajira dalka saamayn ku yeelan doonin xasiloonida Magaalada Galkacyo iyo wada degganaanshaha bulshada labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Galkacyo ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatay laamaha ammaanka, saraakiisha ciidanka difaaca, maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug, iyagoo wax iska waydiiyey dhaqdhaqaaqyada socda iyo qorshaha Puntland ee xiisadda ka soo cusboonaatay Magaalada Galkacyo.

Puntland ayaa dhawaan la wareegtey xeryo, gaadiid dagaal iyo ciidamo ay DFS ku diyaarisay qaybo kamid ah Magaalada Galkacyo xilli kuwa kalena ka tallaabeen xuduudka Puntland iyo Galmudug oo ay uga sii gudbeen saldhigyo ay ciidanka xoogga Soomaaliya ku lee yihiin gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya.