Xubnaha guddiga dastuurka barlamaanka Somalia ku matala Maamulada Jubaland, Somaliland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa…

Xubnaha guddiga dastuurka barlamaanka Somalia ku matala Maamulada Jubaland, Somaliland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid qorshaha Villa Somalia ku doonaysa waxka beddel lagu sameeyo nuqulo kamid dastuurka Somalia.
Xubnahaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in nuqulada la doonayo in waxka beddelka lagu sameeyo ee dastuurku ay ka soo horjeedaan maamulada ay ku matalaan labada aqal ee barlamaanka Somalia.
Dhanka kalena, xubnaha guddiga joogtada ah ee barlamaanka Somalia oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho ayaa ku kala qaybsamay in golaha ay ka doodaan dhameystirka dastuurka iyo in uu sii socdo kalfadhiga 7-aad ee goluhu.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maalmo ka hor ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.




