Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in labo markab oo Nukliyeer ah la geeyo “gobollada ku habboon” kaddib waxa uu ugu yeeray hadallo “nacasnimo ah” oo ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu amar ku bixiyay in la diro labo markab oo Nukliyeer ah, taasoo jawaab u ah “daandaansi” hadal ka soo yeeray sarkaal sare oo Ruush ah.
Dagaal dhanka afka ah oo baraha bulshada ku dhex maray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Dmitry Medvedev, oo ahaa madaxweynihii hore ee Ruushka, haddana ah guddoomiye ku xigeenka golaha ammaanka ee Ruushka, ayaa horseeday in Trump uu hawlgeliyo laba kamid ah maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka oo laga yaabo inay u dhow yihiin Ruushka, sida lagu sheegay qoraal uu Trump ku qoray bartiisa bulshada.
Dmitry Medvedev oo horey u soo noqday madaxweynaha Ruushka 2008 ilaa 2012, waxa uu sheegay in hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka ee ah in uu canshuuro ku soo rogayo dadka iibsada saliidda Ruushka, sida Hindiya, ay ka dhigan tahay “ciyaar kama danbays ah” taas oo ah khatar soo dadajin karta “dagaal” ka dhex qarxa Ruushka iyo Mareykanka.
“Iyada oo laga duulayo hadaladii kicinta ahaa ee Madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev…, waxaan amar ku bixiyay in laba Markab Nukliyeer ah la dhigo gobolada ku haboon (nawaaxiga Ruushka), waaba haddii hadalladan nacasnimada iyo xamaasadda leh ay dhab yihiin,” ayuu qoray Trump.
Jawaabta Trump ayaa ku soo beegantay xilli ay sii xoogaysanayeen weerarrada Ruushku ku hayo Ukraine, iyadoo Trump uu ku hanjabayo cunaqabatayn adag haddii aanu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin aqbalin xabbad-joojin maalmaha soo socda.
Dhinaca kale, maalin baroor diiq ah ayaa lagu qabtay caasimadda Ukraine Jimcihii, maalin kadib markii Ruushka uu gantaalo iyo diyaarado Drone ah ku garaacay caasimada dalkaas ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen 31 qof in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen.



