Xiisada Miisaaniyada Mareykanka oo dhalisay shaqo-joojin baahsan

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mareykanka ayaa ku guuleysan waayey ansixinta Miisaaniyada dowlada Mareykanka, taasi oo dhalisay in la xiro xarumaha dowlada.

1 October, 2025

Miisaaniyada dowladda federaalka ee Mareykanka ayaa ku eg maanta oo Arbaca ah, iyadoo aan la ansixin miisaaniyada cusub kadib markii Xisbi Xaakimka Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta ay ku guuldareysteen ​​inay heshiis ka gaaraan Miisaaniyada cusub.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey in hadaan miisaaniyada uu doonayo la ansixin uu shaqada ka eryi doono shaqaalo badan ee heer Federaal ah.

Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay Aqalka Cad Talaadadii, Trump wuxuu ka digay inuu u isticmaali karo shaqo-joojinta hawlaha Federaalka tallaabooyin ka dhan ah Dimuqraadiyiinta.

Shaqaalaha lagama maarmaanka ah, sida laamaha amniga, militariga iyo kormeerayaasha hawada, ayaa ku sii jiri doona shaqada mushahar la’aan muddada xalka laga gaarayo miisaaniyadda.