Militariga Israa’iil ayaa ka digay inay “si adag uga jawaabi doonaan” ka dib markii ay soo rideen saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan. Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan ayaa ka digay in dagaal cusub la bilaabo.

Xabbad-joojin jilicsan oo u dhaxaysa Israa’iil iyo maleeshiyada Lubnaan ee Xisbullah ayaa halis ku jirta ka dib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay soo rideen saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan.
Iyadoo Israa’iil ay kaga jawaabtay duqaymo ay ka geysatay koonfurta Lubnaan, ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ka digay in dib loo bilaabo “dagaal cusub.”
Dhinaca kale, Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Tel Aviv, waxayna kasoo horjeedaan qorshaha dowladda ee ah in shaqada laga ceyriyo madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet.

Dibadbaxayaasha oo lulaya calanka Israa’iil fagaaraha Habima ee magaalada Tel Aviv, ayaa sidoo kale ka xumaaday dagaallada ka socda Qaza, waxayna ku baaqeen in heshiis lala galo Xamaas si loo xaqiijiyo in la sii daayo la haystayaasha hadhay.
Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay usbuucan inuu lumiyay kalsoonida Ronen Bar, oo hogaaminayay Shin Bet tan iyo 2021.
Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa soo saartay amar Jimcihii ah in si ku meel gaar ah loo hakiyo xil ka qaadista, taasoo lagu wado inay dhaqan gasho 10-ka Abriil.
Dadka ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu wiiqayo dimuqraadiyadda Israel.
Hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa ku baaqay shaqo joojin guud haddii ra’iisul wasaaraha uu ku dhaqaaqo xil ka qaadista.
Hadii ay dowladdu go’aansato inay diido go’aanka Maxkamadda waxay noqon doontaa dowlad ka baxsan sharciga,” ayuu u sheegay dibadbaxayaasha Tel Aviv. “Haddii taasi dhacdo.”