Xaaladda degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa weli kacsan xilli ay maalinimadii shalay ku dagaalameen ciidamada…

Xaaladda degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa weli kacsan xilli ay maalinimadii shalay ku dagaalameen ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa DFS oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.
Guud ahaan ammaanka Magaalada Beled-xaawo ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Jubaland, iyadoo Cabdirashiid Janan iyo ciidamada taabacsan ku sugan yihiin xero ku taalla bannaanka magaalada.
Xiisadda labada dhinac ayaa bilaabatay kadib markii maalinimadii shalay Cabdirashiid Janan oo dowladda Federaalku u soo magacowday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee gobolkaaasi uu gaarey Beled-xaawo.
Cabdirashiid Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu dagaalka uga turay bulshada magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, isagoo maamulka Jubbaland ku eedeeyey cabburin bulshada.



