Xildhibaan Cabdi Qawdhan oo ka warbixiyey dhismaha laamiga Laascaanood ilaa Buuhoodle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday diyaarinta qorshaha iyo naqshadda dhismaha waddo dhererkeedu yahay 110 KM, taas…

1 November, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday diyaarinta qorshaha iyo naqshadda dhismaha waddo dhererkeedu yahay 110 KM, taas oo isku xidhi doonta magaalada Buuhoodle iyo deegaanka Tuulo-Samakaab ee Gobolka Sool oo hoos yimaada Maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Wasiirka Howlaha Guud xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Ayuub Ismaaciil, ayaa qalinka ku duugay qorshaha waddadan, kaddib markii uu horey kormeer ugu sameeyey jidka isku xidha Laascaanood iyo Buuhoodle, oo la sheegay in dhawaan qiimayntiisa la samayn doono.

Xildhibaan Cabdi Qawdhan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya deegaan doorashadiisuna tahay gobolka Sool oo goob joog ahaa goobta saxiixa mashruucaan ayaa sheegay in arrintaani ay tahay guul u soo hoyatay deegaanka, ayna dabagal ku samayn doonaan qaabka loo dhammaystiri doono.

“Waa mashruuc qiimo weyn ugu fadhiyo oo waxbadan ka beddeli doona nolosha bulshada kunool goboladaasi, dadka reer Waqooyi Bari waxay u tahay maalin weyn inay bilaabatay wadada Buuhoodle Laascaanood oo wajigeedii 1aad hadda qaybta qiimaynta muuqaalka loo ambabaxayo, waxaa dhawaan baxaya kooxihii meesha wadadu marayso qiimayn lahaa dowladda ayaana dhawaan go’aan ka gaarayso meesha la marin doono”, Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qawdhan.