Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan qayb ka ahayn wafuudda maanta laga sugayo Magaalada…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan qayb ka ahayn wafuudda maanta laga sugayo Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u Jubbaland, oo uu berri ka furmayo shir looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo katirsan golaha shacabka Somalia qaybna ka ah madasha samatabixinta ayaa rajeeyey in shirka ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
“Waxaan Alle ka rajaynaynaa wax khayr qaba oo Soomaali khayr u ah, mana filaynayno inay dhacayso in shirku natiijo la’aan ku soo dhammaado”, Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.
Dhanka kalena, Xidig ayaa meesha ka saaray in khilaaf u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo uu sababay maqnaanshihiisa Kismaayo isagoo caddeeyey in Farmaajo taageersan yahay shirka haseyeeshee uusan qayb ka ahayn madasha samatabixinta.
“Farmaajo saddex beri kahor ayaan la kulmay shirkana raali ayuu ka yahay inuu ka soo qaybgalo ama dib ka yimaadana cudur kuma jiro, madashuna wax cudur ah kama qabto, isaga iyo Axmed Madoobena xiriir toos ah ayey lee yihiin, laakiin Madashu Farmaajo kahor ayey samaysan tahay inuu ku soo biirana xilligeeday noqonaysa”, Ayuu yiri markale Xidig.



