Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo katirsan xubnaha golaha shacabka barlamaanka Somalia ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa…

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo katirsan xubnaha golaha shacabka barlamaanka Somalia ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa weerar ku qaaday madaxda ugu sarraysa DFS oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
HOOS KA AKHRISO
Bismilaah:
Iga gudooma Salaanta islaamka Dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan ree jubaland meel kastoo aad joogtaan Shacab, Ciidan & Dawlad, (ASCWB)
Salaan kadib Waxaan Dhamaanteen aragnaa sida ay u dhaqmayaan kooxdii ciilqabe ee Vila somaliya godoonka ku ahayd iyo Qoraalka fashilka ee kasoo baxay wixii loogu yeeray NCC dii fashilantay:
Waxaa hubaal ah in Xasan Sheekh iyo inta ku wareegsan ay layihin jiho ay u dhaqaajiyan siyaasada dalka:
Intaas kadib Waxaan rabaa inaan ree Jubaland usoo jeediyo midnimo, isku tashi, Diyaar garoow iyo adkaysi:
Ree Jubaland waxay xusuustaan Duulaankii uu Xasan kusoo qaaday 2013, sido kale waxay xasuustaan Duulaankii 2024tii hishii November,
Sidoo kale ree jubaland way xusuustaan casharkii ay marar badan u dhigeen ciilqabe iyo xulafadiisii oo jubaland Duulaamo dal qabsasho ah isku dayay:
Dharbaaxada Ciidamada waxaa kuuu dheeraa intaas oo jeer oo dharbaaxo Siyaasadeed ay kugu dhacday, hadaadan weli quusanin, Waxaan hubaa Markan inay tahay Markaad ugu tabar yareyd dhinac walba Xag ciidan, xag siyaasadeed, xag Qabiil, xag Dhaqaale, wakhtigoo kaa dhamaaday iyo Xiligan oo ah markii ree Jubaland ay ugu midnimo badnaayeen Madaxweyne Ahmedna uu ugu taageero badnaa:
Waxaan rabaa inaan halkan hanbalyo uga diro Xildhibaanada isku aragtida ee ka hor yimid in Dastuurka lagu tunto, oo Dhulka Dowlada iyo kan Shacabka la boobo iyo in Dalka loo gacan galiyo khawaariijta, in Saraakiisha Ciidamada shir qoolo lagu laayo, in goobaha wax barashada, caafimaadka iyo Xarumaha danta guud laga iibiyo ganacsato Aan Ilaahay iyo umadiisa midna ka xishooneynin oo lacago daawa dhacday iyo raashin dhacay laga soo saaray la wareegeysanaya:
Qurba Joogta jubaland:
Waxaan baaq u dirayaa Qurba joogta jubaland meel kasta oo ay Caalamka ka joogaan:
Saaxiibayaal waad aragtaan Ciil qabayaashii iyo waxa ay maleegayaan waan hubaa ma guuleysanayaan Ilaahay idankiis,
Sidaas darteed Waxaa laynooga baahan yahay isku tashi iyo midnimo iyo inaan is garab taagno Dawlada, Shacabka iyo Ciidamada jubaland, waana inaan meel iska dhignaa tabashooyinka dhexdeena hadayba jiraan qoomiyad intaas leeg lagama waayayo tabasho, waxaana hubaa inuu jiri doono wakhti aan ku xalino tabashooyinka IA:
Qurba joogta jubaland markasta waxaad ahaydeen kuwii ilahay ka sokow hirgaliyay dhismaha Dowlada jubaland kuna bixiyay maal, maskax, Difaac iyo wakhti Qaali ah:
Saaxiibayaal maanta Waxaa duulaan lagu soo yahay Dowladii Aan dhisanay ee Jubaland sidaas darteed waa inaan Af iyo Adin iyo maskax iyo jeeb ku difaacnaa oo tusnaa Mr Ciil Qabe in ree jubaland Qoomiyado yihiin awoodana inay Dhaqaale, ciidan iyo siyaasad intaba isku filan yihiin:
Kana kaaftoomi karaan xoogaaga yar ee dadka soomaaliyeed caalamku ugu dhiibay mr ciil qabe ee uu rabo inuu ku duleysto:
Mar kale Waxaan usoo jeedinayaa Qurbajoogta ree Jubaland inaad muujisaan dareenkii laydinku yaqaanay, si gaar ah Waxaan ka codsanayaa Gabdhaha , Dhalin yarada iyo Odayaasha ree Jubaland oo mar kasta laf dhabar u ahaan jiray Difaaca iyo horumarka dadkooda iyo Dalkooda inay isu taagaan hawshan jawaab Degdeg ahna siiyaan mr Ciil qabe iyo kooxdiisa Gudoonka ah:
Hadaan nahay Xubnaha idinku matala golaha Baarlamanka Federaka Waxaan balan qaadeynaa in Aaga Aan ku aada nahay aan laydiinka soo dhacaynin:
Sidoo kale Waxaan hubaa in Qurba joogtu buuxin doonaan kaalintooda:
Neefka marka la gawraco ee naftu kasii baxayso ayuu ugu firgaxasho badan yahay Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ku jiraan marxaladaas ee haloo diyaar garoobo:
Amaana Alaah
W/Q Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.