Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay doorashada Cumar Faatax ee USA.

3 days ago

Xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka laantiisa gobolka Minnesota ayaa taageeray ololihii wiilka Soomaaliga ah ee Cumar Faatax…

Xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka laantiisa gobolka Minnesota ayaa taageeray ololihii wiilka Soomaaliga ah ee Cumar Faatax ee gobolkaas ee uu u tartamayey duqa magaalada Minneapolis.

Dhanka kalena, XIldhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo katirsan xubnaha golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray doorashada Cumar Faatax, isagoo ku tilmaamay guushiisa mid jiilasha dambe waxweyn ka beddeli doonta.

AAW, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay inay ayaandarro weyn tahay in dad Soomaaliyeed guushiisa ku horjoogsadaan haybta reerkiisa, iyagoo dhammaan ku wada sugan carriga Maraykanka.

”Cumar Faatax Libintiisu waxay dhiiragelinaysaa jiil isaga ka danbeeya ee isirka Soomaali ku abtirsada. Waase ayaandaro in dad Soomaaliyeed ay libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kale guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka”.”Xil”, Xildhibaan Cabdirahman Cabdishakur Warsame.