Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mar ergey gaar ah u soo noqday madaxweynaha Somalia ayaa si…

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mar ergey gaar ah u soo noqday madaxweynaha Somalia ayaa si adag uga hadlay xaaladda uu dalku marayo, difaaca midnimada qaran iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka dalka.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inuu isku koobay dhammaan awoodihii dalka uusanna qaadan talooyinkii horay loogu jeediyey iyo kuwa marxaladahaan xasaasiga ah.
“Madaxweyne Xasan Sheekh isaga xildhibaan ah, isagaa wasiir ah, isagaa weriye ah wax walba isagaa isu ah, dowladnimo sidaas laguma dhicin karo”, Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daray,”Wadahadalada uu sheegayo waxaan aragnay inay yihiin kuwa aan la rabin in xaajada dhabta ah laga doodo, afar bilood ayaa u dhimman, dadka Soomaaliyeed ha maqlaan qaranimadeena dowlad aan sharci lahayn ma difaaci doonto adduunkuna dhegaysan maayo.”



