15 March, 2025
Guddoonka golaha shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey xubin katirsan golaha oo waysay…

Guddoonka golaha shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey xubin katirsan golaha oo waysay xasaanaddii xildhibaanimo, kadib markii uu imaan waayey kulamadii golaha.
Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo lumiyay xubinnimadiisii Golaha Shacabka kadib markii uu xaadiri waayay in kabadan laba kalfadhi oo xiriir ah.

