Cabdirisaaq Xasan Dhookir, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in magaalada Laascaanood…

Cabdirisaaq Xasan Dhookir, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ay isu beddeshay saldhig ay ku sugan yihiin kooxo uu sheegay inay maleegayaan qalalaase ka dhan ah Puntland.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu xildhibaanku ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Laascaanood ka dejiyey shaqsiyaad wata qorshayaal ka dhan ah Puntland, wuxuuna Madaxda maamulka Waqooyi Bari ku eedeeyey inay hormuud u noqdaan burburinta Puntland.
Xildhibaan Dhookir ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda ka socota Laascaanood ay salka ku hayso dano shaqsiyeed oo uu ku tilmaamay kuwo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka deegaanka wuxuuna maamulka ugu baaqay inaan dadka hayb wadaagta ah lakala dilin.





