Xildhibaan Sadaam “Puntland ayaa suudaan looga duulaa waa war been ah”

3 November, 2025

Xildhibaan Sadaam Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa si…

Xildhibaan Sadaam Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa si adag u beeniyay wararka sheegayay in hub ama diyaarado laga duulayo magaalada Boosaaso si loogu weeraro dalka Suudaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid si buuxda loo siyaasadeeyay, isla markaana ay gadaashiisa ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilal ka haya DFS.

“Warkaas waa been abuur la doonayo in lagu sumcad dilo Puntland. Xamarna ciidamo Boliis Militari ah ayaa Imaaraadka Carabta bixiya mushaarkooda, maxey ku kala duwan yihiin labada ciidan?” ayuu yiri Xildhibaan Sadaam.

Wuxuu sheegay in Imaaraatka uu taageero ciidamada kala duwan oo Soomaaliya ka jira kuwa Puntland ku sugana ay yihiin kuwa la mid ah ciidamada kale ay taageeraan.

Wuxuu intaas ku daray oo dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan kaalin ku lahayn dagaalka adag ee ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskad, dagaalkan oo socday muddo ka badan hal sano.

Xildhibaan Sadaam ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in ay joojiyaan dacaayadaha iyo eedeymaha siyaasadeed ee dhaawacaya midnimada Soomaaliya.