Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo muddo kordhin sharci…

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda, isagoo ka digay cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara tallaabo kasta oo ka baxsan dastuurka dalka.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in madaxda dowladda federaalka ay ilaaliyaan dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, si looga fogaado khilaaf cusub oo dalka dib ugu celin kara xaalado adag. Wuxuu xusay in xal kasta oo siyaasadeed uu ku imaan karo oo keliya wada-tashi iyo is afgarad dhex mara dowladda, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada.
“Haddii maanta la aqbalo hal sanno oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo Madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sanno oo sharci-darro ah.“, Ayuu yiri xildhibaan Sanbalooshe.
Hadalka Sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo mucaaradku ay si joogto ah uga digayaan tallaabooyin ay dowladdu qaadayso.



