Xildhibaan Sanyare,”Daacish oo tuulooyin ka arrimin jirey godad ayaa lagu ururiyey”.

15 February, 2025

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Yare, oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ka…

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Yare, oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, guulaha laga gaarey iyo caqabadaha horyaalla xukuumadda Puntland.

“Nimanka waa la halakeeyey, buurbaa lagu ururshey awal tuulooyin bay haysteen oo dadkay ku dhex milnaayeen shacabkii iyo iyagoo waa kala go’doonshey. hadda iyagii oo keliya ayaa buur kujira oo ay u badan tahay inaysan wax Soomaali ahiba kujirin” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Xildhibaan Sanyare oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”In buurihii iyo ajnebigii laysu madax banneeyo shacabkiina laga dhex saaro intaasuba waa guul, bamka lagu dhufanayo Cal-miskaad Trump ayaa saxiixa”.

Dhan kalena Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in culayska ugu weyn ee dagaalka xilligaan uu saaran yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uuna ka culays badan yahay sida uu hadalka u dhigay askariga ka dagaalamaya furimaha hore ee togga Jacayl.

“Barta hoggaamineed ee Puntland haysataa waa Siciid Deni, waxaana mushkiladda hadda haystaa ay ka badan tahay askariga xabadda ku dhimanaya, waayo dhaawicii isagaa laga rabaa inuu daaweeyo, sahaydii isagaa laga rabaa, gaadiidkii isagaa laga rabaa inuu keeno, baaqii isagaa laga rabaa inuu diro, kaartada dagaalka isagaa laga rabaa inuu saxiixo, waan hubaa inuusan intii dagaalku socdey inuusan seexan oo wax fiican cunin”, Ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.