Xildhibaanad Muna Axmed Cabdalla (Diyaano) oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada Puntland deegaan doorashadeeduna tahay gobolka…

Xildhibaanad Muna Axmed Cabdalla (Diyaano) oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada Puntland deegaan doorashadeeduna tahay gobolka Mudug ayaa ka hadashay kacdoono bulshada Galkacyo waxqabad kaga dalbanayeen xukuumadda Puntland.
Xildhibaanad Muna Diyaano ayaa sheegtay in bulshada gobolka Mudug gaar ahaan Galkacyo ay iyagu caqabad isku yihiin aysanna cidna waxka qaban karin cabashadooda haddii aysan waxka bedelin hab dhaqankooda, sida ay hadalka u dhigtay.
Waxa ay bulshada deegaanka inay Mas’uul ka yihiin biyo fariisinka magaalada aysanna ogolayn furitaanka waddooyinka, duminta guryaha kuyaal dhulkii biyo saarka ahaa iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada wax looga qabanayo horumarinta magaalada.
“Biyo saaka caqabada haysataa waa gobolka Mudug iyagaa caqabad isku ah wax laga qaban karaana majiraan, waayo meel walba oo biyaha laga saari lahaa waa dhisteen haddaa tiraahdo war sidaan suurtagal ma ahana qoribaa lala hortaagan yahay, marka waa in caqabada bulshada dhextaalla dib loogu noqdaa”, Ayey tiri Xildhibaanad Muna Axmed Cabdalla.