Wasiirrada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku…

Wasiirrada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay aqoonsi beenaadkii Israel siisay maamulka Somaliland.
Xildhibaanada labada aqal ee gobolka Awdal iyo deegaamada maamulka Waqooyi Bari ayaa isku-raacay inay waajib tahay ilaalinta midnimada Soomaaliyeed aysanna aqbali doonin tallaabo kasta oo la doonayo in lagu kala gooyo.
“Shacabka Gobolada Waqooyi marnaba kuma heshiin waligood inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, waana qayb kamid ah Somalia”, Ayuu yiri xildhibaan Cabdi Qawdhan oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.
Dhanka kalena, XIldhibaanad Caasha Koos ayaa siweyn ugu dhaliisha maamulka Somaliland caga-juglayn, cabburin iyo tacadiyo ay ku hayso shacabka gobolka Awdal ee deegaamada maamulka Somaliland.
“Madaxda iyo dhaqanka Gobolka Owdal waa inay ka dhiidhiyaan caburinta lagu hayo bulshada Gobolkaas ee u taagan midnimada, beesha dhexe ayaa odayaashii deegaanka ku khasabtay gumaysiga iyo inay carruurteennii qaataan calanka Yuhuudda”.



