Xildhibaanada Golaha Deegaanka Jariiban oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Degmada.

21 December, 2025

21 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi…

21 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Guddoomiyihii Degmada Jariiban, kadib kulan ay yeesheen oo ay ku muujiyeen kalsooni darro ku aaddan hoggaamintiisa iyo hab-maamulkiisa.

Xildhibaanada ayaa sheegay in go’aanka xil ka qaadista uu yimid kadib markii ay ku qanceen in guddoomiyuhu ku guul-darreystay gudashada waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu fashil ku yimid hoggaaminta howlaha degmada iyo fulinta go’aannada Golaha Deegaanka.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen guddoomiyihii xilka laga qaaday dayacaad la xiriirta adeegyada aas-aasiga ah ee degmada iyo masuuliyad darro maamul, taasoo keentay hoos-u-dhac ku yimid kalsoonidii shacabka iyo wada-shaqeyntii golaha.

Ugu dambeyn, xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ayaa sheegay in xil ka qaadista guddoomiyaha ay ku timid si waafaqsan xeerarka u degsan golaha Deegaanka, isla markaana ay tahay tallaabo lagu ilaalinayo danta guud iyo horumarka degmada.