Xildhibaanada golaha shacabka Somalia oo guddoomiye cusub doortay.

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta qaybtay doorashada guddoonka golaha, oo ay ku loolamayeen laba musharrax…

10 August, 2026

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta qaybtay doorashada guddoonka golaha, oo ay ku loolamayeen laba musharrax oo kala ah Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cumar Macallin (Daada).

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku guuleystay doorashada, isagoo helay 142 cod, halka musharraxii la tartamayey, Xildhibaan Cabdiqaadir Cumar Macallin (Daada), uu helay 30 cod, sida ay ku dhawaaqday Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin.

Natiijada kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa dhaariyey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo u sahashay inuu si rasmi ah ula wareego xilka.

Doorashadan ayaa ku soo dhammaatay iyadoo Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu noqday Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, isagoo beddelaya guddoomiyihii hore, waxaana laga filayaa inuu hoggaamiyo Golaha Shacabka xilli dalka uu wajahayo marxalado siyaasadeed oo muhiim ah.