Xubnaha la magac baxay golaha Samata-bixinta Qaranka ee barlamaanka Soomaaliaya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku…

Xubnaha la magac baxay golaha Samata-bixinta Qaranka ee barlamaanka Soomaaliaya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad iyo dastuur waafaqsanayn.
Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe in ay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, ayna horseedeen khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo kala qaybin bulsho.
Golaha ayaa bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, iyo beesha caalamka ugu baaqay in aysan aqoonsan natiijooyinka ka dhasha kalfadhiga 7-aad, islamarkaana ay cadaadis ku saaraan hoggaanka dowladda iyo baarlamaanka si loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.




