Xildhibaanada W.Bari “DFS duqeyn aysan ogeyn ma dhacdo noo cadeeya Dilka Caaqilka”

16 September, 2025

Xildhibaanno ka tirsan maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa ka hadlay geerida Caaqil Cumar Cabdullaahi oo…

Xildhibaanno ka tirsan maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa ka hadlay geerida Caaqil Cumar Cabdullaahi oo toddobaadkan lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag, iyagoo fariin toos ah u diray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay inay bulshada u soo bandhigto war cad oo ku saabsan cidda fulisay duqayntaas iyo sababta dhabtaa ee ka dambaysay beegsiga Caaqilka, iyagoo ku adkeystay in aysan suurtagal ahayn in duqayn noocan ah ka dhacdo iyadoo aan dowladda ka war hayn.

Waxay cadeeyeen in ay ka xun yihiin dhacdadaas foosha xun iyagoo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada uu ka tagay Caaqil Cumar Cabdullaahi, kana tacsiyadeeyay bulshada gobolka Sanaag oo uu marxuumku door muuqda ku lahaa.

Xildhibaanadu waxay ku tilmaameen Caaqilka nin wax ku soo kordhiyay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, islamarkaana kaalin weyn ka lahaa mideynta bulshada, taas oo ay sheegeen in ka dhigtay qof lagu xasuusan doono wanaag iyo hoggaan.

Ugu dambayn, waxay xildhibaanadu ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay caddeyn buuxda ka bixiso duqayntan, isla markaana ay qaaddo tallaabo ay ku muujinayso mas’uuliyadda wixii dhacay.