Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta ansixiyey Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha…

Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta ansixiyey Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Cabdulqaadir Firdhiye. Xildhibaanadu waxay mid mid u codeeyeen wasiirrada, iyagoo siiyey codka kalsoonida ee u fasaxaya inay shaqooyinka dowladda si buuxda u gutaan.
Golaha ayaa sidoo kale meel mariyey wasiir-ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha, kuwaas oo loo ansixiyey si isku duuban, iyadoo aan mid mid loogu qaadin codka kalsoonida, si loo dedejiyo habraaca xukuumad dhisidda.
Madaxweynaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa ka hor hadlay ansixinta, isagoo xildhibaanada u soo bandhigay xubnaha xukuumadda cusub, kuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo helo xukuumad shaqo bilowda.
Firdhiye ayaa tilmaamay in xukuumaddan cusub ay ka turjumayso baahiyaha maamulka, islamarkaana lagu soo xulay khibrad, aqoon iyo matalaad deegaan oo loo siman yahay, taasoo xoojin doonta hawlaha maamulka ee horyaalla.
Ansixinta golaha wasiirrada cusub ayaa ka dhigan in Maamulka Waqooyi Bari uu rasmi ahaan u helo xukuumad shaqo bilaabi karta, taas oo hoggaamin doonta adeegyada bulshada, amniga iyo qorshayaasha horumarineed ee maamulkan.



