Xildhibaanadii DFS ku xannibtay Muqdisho oo Garoowe lagu soo dhaweeyey.

5 March, 2026

Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia deegaan doorashadooduna tahay Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey…

Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia deegaan doorashadooduna tahay Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xubnahaan oo dhawaan dowladda Somalia ka celisey hawada sare ayaa muddo ku xanibnaa xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo sheegay in looga gollahaa inaysan ka bixin Muqdisho inta laga meelmarinayo waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Guddoonka barlamaanka Puntland, xildhibaano heer federal ah, xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland iyo qaar kamid ah shacabka Magaalada Garoowe ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta xildhibaanadaan oo sheegay inaysan waxka kajirin waxka-beddelkii dastuurka.

“Waxaan aqoonsannahay oo jira dastuurkii 2012 ee Garoowe 1 iyo 2 waxa kale waxba kama jiraan mana aqoonsanin”, Ayuu yiri Senator Faroole oo katirsan aqalka sare ee Somalia.