Xildhibaanadii mucaaradka oo ku dhawaaqay dhismaha shir guddoon cusub.

9 February, 2026

Xildhibaanada mucaaradka labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay…

Xildhibaanada mucaaradka labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inay samaysan doonaan guddoon iyo hawl-wadeeno u gaar ah.

Xubnahaan oo intooda badan laga saaray fadhiyada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyey guddoonka barlamaanka inuu gacanta u galay Madaxtooyada isla markaana dagaalkii mucaaradka iyo Villa Somalia lagu soo xawiley kulamadii barlamaanka.

Waxay sheegeen inaysan marna aqbali doonin waxka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin ay dalka ku badbaadinayaan.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku hawlan yihiin waxka beddelka dastuurka fadhiyadoodana laga mamnoocay in ka badan 50 xildhibaan oo mucaarad ah.