Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib qalalaase ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacday fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole Senanatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuue Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib qalalaaso iyo ku xadgudubka Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Senator ee ku xusan go’aanka maamul intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.






