Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee Somalia ku matala deegaamada Puntland ayaa siyaabo kala duwan…

Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee Somalia ku matala deegaamada Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha la xiriira isticmaalma Imaaraadka Carabta ee garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.
Xildhibaan Sareedo Jayte, oo ka hadashay aqalka sare soona xiganaysa xogo lagu faafiyey warbaahinta bulshada ayaa sheegtay in weerarada dalalka shisheeye laga abaabulo dekedda garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.
“Maalin Alle keenay Boosaaso waxaa diyaaradaha saaran boqolaal dad ah oo qaar taatuu leeyihiin oo dalal ajaaniib ah ka imaanaya, waxaa la sheegayaa in colaadda Suudaan ay qayb ka qaadanayaa iyadoo Albaabkeenna loo marayo”, Ayey tiri Sareedo Jayte.
Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in senatorada reer Puntland aqalka sare keenaan been abuurada iyo wararka lagu sumcad xumaynayo Puntland laguna qarinayo dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish.




