Xildhibaano bogaadiyey hawlgallada Jubbaland ka bilowday Jubbooyinka.

23 June, 2026

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Jubaland ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen 22-ka…

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Jubaland ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen 22-ka Juun 2026 ku bogaadiyeen hawlgallo ciidamada Daraawiishta Jubaland ka wadaan deegaamo ka tirsan Jubbooyinka.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in howlgalkaasi uu yahay mid lagu sugayo amniga, laguna ciribtirayo kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer dhibaatooyin amni ku haysay shacabka ku nool deegaannada Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer la daalaa dhacayeen falalka kooxda Al-Shabaab, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxda si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.