Xubnaha la baxay golaha samatabixinta golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa siweyn u cambaareeyey dagaalkii Maanta ka…

Xubnaha la baxay golaha samatabixinta golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa siweyn u cambaareeyey dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoo nasiib darro weyn ku tilmaamay in ciidankii dowladda loo adeegsadey dhibaataynta sahcabka.
“Xildhibaanada Gollaha Samatabixinta Qaranka Soomaliyeed waxay cambaaraynayaan falka arxan darada ah ee xukuumada Hassan Sheekh iyo Hamse kula kaceen bulshada dan yarta ah ee degan ag-agaarka Tarabuunka, adeegsiga ciidamadii loogu talo galay la dagaalanka argagixisada ee lagu weeraray bulshada Soomsaliyeed”, Ayaa lagu yiri qoraalka golaha.

Dhanka kalena, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo katirsan golaha shacabka barlamaanka Somaliya ku eedeeyey madax dowladda katirsan iyo ganacsato danleey ah inay niyadda ka jebiyeen shacabkii Soomaaliyeed.
“Dhul boobka ay shirkada ku yihiin madaxda dowladda iyo ganacsatada danlayda ah wuxuu dilay haybaddii dowladnimo iyo mooraalkii ciidanka, wuxuuna niyad jabiyey hankii shacabka ay ka lahaayeen dowladda”, Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.



